Allbanaadir.com
NEWS

Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo lagu fuliyey xukun dil toogasho ah (Daawo Sawirro)

Maxkamada Ciidamada Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulkaas oo horay dil u geystay.

Cabdiraxmaan Ilyaas Jiirow ayaa la sheegay inuu shalay Xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo ku dilay askari kale oo lagu Magacaabi jirey Cabdi Naasir Abshir Iidle, ka dib markii ay ismaan dhaafeen.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland Mowliid Yaasiin Axmed ayaa sheegay in Askarigan lagu xukumay, laguna fuliyey dil ka dib markii ay cadaatay in uu si bareer ah dilka ugu geystay saaxiibkiis.

Dhowaan ayey aheyd markii maamulka Juballand uu xukun dil ah ku fuliyey saddex nin oo gacan ku dhiigleyaal ahaa kuwaasoo uu ku jiray askari dilay xaaskiisa oo uur laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bob Menendez oo kahor yimid mudo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Qadar oo ka shaqeenaya isku xirka Suuqyada Shaqada ee labada dal

Cabdi Cade

Sargaal Kenyan ah oo maxkamad ku hortoogtay garsoore xukun isaga ka dhan ahaa riday !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---