Sacuudiga iyo Wadamo kale oo Go’aan kasoo saaray in beri la ciidayo iyo in kale 

Qaar kamid ah wadamada Islaamka oo baadi goob u galay bisha soon fur ayaa ugu dambeyn shaaciyay in maalinta berito oo sabti ah la dhameestirayo bisha Ramadaan ayna ciida tahay maalinta Axad.

Maxkamada sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aamisay in beri oo sabti ah la dhameestirayo bisha Ramadaan, waxa ayna Maxkamada sheegtay in maalinta ciida ay noqoneyso Axad.

Waxaa sidoo kale shaaciyay in beri aysan ciid aheyn oo ramadaan la dhameestirayo wadamo kale ay kamid yihiin Qadar, Turkiga, Malaysisa , halka wadamo kalana wali baadi goob ugu jiraan bisha .

Dowlada Soomaaliya ayaan wali go’aan kasoo saarin in beri la dhameestirayo ramadaan iyo in kale, waxaana Wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta baadi goob ugu jirtaa dhalashada bisha soon fur.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -