Guddomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo la doortay (Yaa watay)

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada heer federeaal ayaa goordhaw doortay guddomiyaha cusub ee guddigaasi, kadib markii dhawaan shaqada laga joojiyay guddoomiyihii guddigaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo cadaalad daro.

Guddomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafadaka doorashada ayaa loo doortay mudane Maxamed Cawil Warsame ,kadib markii uu doorashada ka tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay.

Masuulkan loo doortay guddomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa taageero badan ka helayay xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaashii hore ee guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafadaka doorashada heer federaal ayaa daacad u ahaa Villa Soomaaliya, waxaasa hada muuqata in hogaanka cusub ee guddiyada doorashada iyo xalinta kgilaafaadka ka shidaal qaadanayaan xafiiska Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -