Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay arrin uu dhibsaday uu ku arkay Madaxtooyada

Ra’iisul wasaaraha  cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare ayaa shaaca ka qaaday arrimo uu dhibsaday uu ku arkay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya maalmaha yar uu joogo, waxa uuna ballanqaaday in arrimahaasi wax ka qaban doono.

Xamse Barre ayaa sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay ilaaliyaan ciidamo katirsan AMISOM oo isugu jira rag iyo dumar, waxa uuna xusay in halkaasi uu ku arkay waxyaabo qaadan waa ku noqday.

Ra’isul Wasaaraha ayaa cadeeyay in uu aad u dhibsaday gabar aan muslim aheyn oo katirsan AMISOM ay ilaaladiisa qaabilsanaato ayna ka ilaaliso dad Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu arrintaasi aad u dhibsaday uuna wax ka qaban doono.

“ Madaxtooyada waxaa ku arkay arrimo aan dhibsaday, in gabadh-yar oo aan Muslim ahayn oo aan diin iyo dhaqan lahayn ay i waardiyeyso oo qof Soomaali ah iga ilaaliso ma aha wax aan aqbali karo”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in maalmaha soo socda uu soo dhiso doono xukuumad tayo leh oo wax badan ka qabata dhibaatada dalka ka jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -