Shir looga hadlayo Hormarada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Brussels

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels ee caasimada dalka Begium ka furmo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya gaar ahaan Hormaradii ugu dambeeyay ay gaartay dowlada Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Xubno katirsan dowlada Federaalka, Madaxda maamul goboleedyada dalka , Madaxda Midowga Yurub iyo wakiilo kale oo ka socda Beesha Caalamka,

Waxaa shirkan si wadajir ah u shir gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxa Midowga Yurub, iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Sweden.

Shirkan inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa wixii u qabsoomay dowladda Soomaaliya, qorshayaasha amniga iyo sidii Ciidamada Soomaaliya ugala wareegi lahaayeen amniga, qorshaha siyaasadda loo dhan yahay sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -