Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Ubax dhigay Taalada Dhagax-tuur (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa munaasabadda 26-juun awgeed ubax dhigay taalada dhagax-tuur, oo ka mid ah halgamayaashii Soomaaliyeed, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, iyo gudiga qaban-qaabada munaasabadda.

Guddoomiyaha ayaa markale 62 sano ka dib ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay halgankii dheera ee loo soo maray gobonimo doonkii dalka looga xorreeyey gumeystihii heystay gobolada waqooyi ee dalkenna, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed labada gobol ugu baaqay is jaceyl iyo in markale dib loo midoobo.

Related posts

Madaxdii la afgambiyey ee dalka Sudan oo la la’yahay iyo Qoysaskooda oo Walacsan

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay mid ka mid ah maraakiibta Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---