Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Munaasabad weyn oo caawa ka socota Muqdisho iyo amaanka oo la xoojiyey

Xaflad ballaaran oo loogu dabaaldegayo Munaasabada 26-ka Juun oo ah markii gobolada Woqooyi ay ka xoroobeen gumeysiga Ingiriiska ayaa caawa ka socota xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin uu ka mid yahay Raisul Wasaaraha cusub ee Somalia Xamza Cabdi Barre iyo dadweyne, iyadoo la filayo iney goob joog ka noqdaan calan saarka oo dhici doona caawa saqda dhexe 12:00am

Kooxda fanaaniinta hobolada Waaberi ayaa xaflada ka qaadaya heeso iyo suugaan kale oo ka turjumeya munaasabada 26ka Juun

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaan ka soo qeyb gelin Munaasabadan sababo la xiriira xanuunka COVID-19 oo laga helay inkastoo sida uu sheegay caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay xireen wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood. gaar ah jidadka gala xarunta gobolka Banaadir.

HOOS KA DAAWO MUNAASABADA SI TOOS AH

Related posts

Kulamo xasaasi ah oo ka socda Muqdisho & Xildhibaanada gobolada woqooyi oo..

Caydiid Ali

Nin lagu helay inuu u gefay Nebi Max’ed NNKH oo xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin u dabaaldegay guushii Mareykanka ee Koobka Adduunka oo lagu dilay Iran (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---