Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Caruur 30 ka badan oo 48 saac gudahood ku dhintay Isbitaalka Kismaayo (Sababta)

Carruur ka badan 30 ayaa 48kii saacadood ee la soo dhaafay  nafaqo darro ugu geeriyootay Isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Sida ay xaqiijiyeen Maamulka Isbitaalka Carruurta halkaasi ku geeriyootay ayaa laga keenay deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose ee abaaruhu ay saameeyeen,

Feysal Aadan Ibraahim Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in ay geeriyoodeen 30 Carruur ah, taasoo ay sabab u noqotay Nafaqa-darro ka dhalatay Abaarta ka jirta dalka.

“Ku dhawaad 400 oo ruux oo ah qoysaska saameynta ba’an ku reebtay Abaarta ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Kismaayo kaddib xannuuno ay ka qaadeen cuno la’aanta & Biyo yarida jirta” ayuu yiri Feysal Aadan Ibraahim Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo.

 

 

Related posts

Shirka Madasha Nabadda Paris oo furmay iyo RW Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

International partners appeal to Parliament on eve of presidential Election

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Xaalada argagaxa leh ee caawa ka jirta Gaza & xasuuqa dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---