Taliyihii Sirdoonka ciidamada Kacaanka Iran oo shaqada laga eryey

Madixii sirdoonka ee ciidamada kacaanka Iiraan Hussein Tayeb ayaa shaqada laga eryay sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee Sepah News.

Afhayeen u hadlay taliska Sirdoonka Iran oo lagu magacaabo Ramazan Sharif ayaa sheegay in Jen. Mohammad Kazemi loo magacaabay taliyaha cusub ee sirdoonka si uu u baddalo Mr. Tayeb.

Ramazan Sharif ayaa sidoo kale sheegay in Hussein Tayeb laga dhigay la-taliyaha sarkaalka hoggaanka u haya ciidanka Sirdoonka.

Hussein ayaa taliyaha sirdoonka Iiraan ahaa tan iyo sanadkii 2009-kii Lama shaacin sababta keentay in xilka laga qaado masuulkan oo ka mid ahaa Xubnaha ugu magaca wayn Iiraan.

Go’aanka shaqada looga eryay taliyaha ayaa ku soo beegmay dilalka shakiga badan dhalisay ee saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Kacaanka Iiraan, kuwaasoo dhawaan la dilay

Sidoo kale talaabadan ayaa ku soo aaday xili dhawaan ay warbaahinta Israa’iil shaaciyeen in Hussein Tayeb la la’yahay muddooyinkan, uuna ku howlan yahay qorshe ku aaddan in muwaadiniin reer Israa’iil ah lagu dilo gudaha waddanka Turkiga.

- Advertisement -