Wasiirka Diinta ee Sacuudiga oo qaatay go’aan hadal heyn badan abuuray !!

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudi Carabiya, Cabdulatif bin Cabdulcasiis Al Sheekh, ayaa hadal hayn ka abuuray baraha ay bulshada ku wada xiriirto, kadib markii uu amray in gabar loo magacaabo afhayeenka wasaaradda ee magaalada Makkah.

Wasiirka ayaa go’aankaas gaaray kadib markii uu ogaaday in Shahad Manshi ay aqoon ahaan xilkaas u qalanto isla markaana uga haboon tahay ninka jagadaas hayay oo bartay xisaabaadka.

Muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya wasiirka oo gabadhada da’da yar weydiinaya waxa ay baratay, kadibna amray inay la wareegto jagada uu hayay ninka iyada madaxda u ahaa.

Shahad oo sanadkii 2020 jaamacad ka qaadatay shahaadada koobaad, kuna takhasustay warbaahinta iyo samaynta muuqaalladda, ayaa wasiirka u soo bandhigtay waxqabadka waaxda ay ka tirsan tahay, waxaana uu la yaabay kartideeda.

Markii uu wasiirku ogaaday in gabadha uu madax u yahay nin aan baran culuunta warbaahinta, ayaa waxa uu amray in Shahad xilkaa loo dhiibo, halka Ibrahim Al-Zahrani oo xilkaa hayay loo bedalay xafiisyada wasaaradda ee Jiddah.

Shahad Manshi ayaa sidaa ku noqotay haweeneydii u horreysay ee afhayeen u noqota wasaaradda arrimaha diinta ee Sacuudiga, sida uu sheegay wargeyska dalkaas ka soo baxa ee Sabq.

Go’aanka wasiirka ayaa muran ka dhex abuuray baraha bulshada. Dadka qaar ayaa taageeray in jagadaas loo magacaabay qofkii ku haboonaa, halka kuwo kale ay su’aal ka keeneen habka loo maray magacaabidda.

Dadka Sacuudiga ee isticmaala baraha bulshada qaarkood ayaa siyaabo kala duwan uiga falceliyay magacaabistan, dadka qaar ayaana taageeray xilka gabadha loo magacaabay halka dad kalana ku tilmaamay in xilkaasi aysan gabar ku habooneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -