Ra’isul Wasaare Xamsa Barre oo kulamo kalsooni raadin ah kawada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanayo xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xamsa Barre ayaa si gaar ah kulamo ula yeelanaya xildhibaanada ugu saameynta badan golaha shacabka, waxa uuna ka codsanayay in ay ku taageeraan sidoo u heli lahaa codka kalsoonida xildhibaanada marka la horgeeyo.

Ra’isul Wasaaraha magacaaban ayaa xildhibaanada qaar uu la kulmay u ballanqaadayay in xubno ka noqonayaan xukuumadda cusub uu soo dhisayo, waxa uu sidoo kale xildhibaanada qaar u sameeyay ballanqaadyo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in dhawwaan Ra’isul Wasaaraha magacaaban horgeeyo xildhibaanada golaha shacabka si ay kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan.

Ra’isul Wasaaraha ayaana marka uu helo codka kalsoonida xildhibaanada la filayaa in isna soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka ka saari karta xaalada adag ee dhinaca amniga iyo sidoo kale abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -