Puntland oo War ka soo saartay Nabadoon lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid alle ha u naxariistee Nabaddoon Cabdiqani Xasan Waloore oo caawa lagu dilay dishay Magaalada Gaalkacyo.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajucuun, Illaahay naxariistii Janatul Fardawsa ha ka waraabiyo Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore oo caawa gacan ka xaq daran ku dishay Gaalkacyo. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo dhammaan qoyskiisa, eheladiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka Puntland iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyey dilka Nabadoonka

Marxuum Cabdiqani Xassan Waloore ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajidka Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor oo uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha sida ay sheegeen dad goob joogayaal.

Rag bastoolado ku hubeysan oo sida la sheegay dilay nabadoonka ayaa goobta ka baxsaday waxaana socda baaritaano iyo dabagal ay wadaan ciidamada amaanka Puntland.

- Advertisement -