Maraykanka oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Maraykanka ayaa sheegay ina Al-Shabaab aysan weligood u suuragali doonin inay la wareegaan Soomaaliya, si la mid ah Taliban oo la wareegay Afghanistan.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa hadalkan kaga jawaabay wareysi laga qaaday hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa qiray in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayna lacago ka qaadaan ganacsatada balse waxaa uu sheegay in damaca la xiriira in kooxdu qabsato talada dalka uu yahay mid la buun buuniyey.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo ka caawiya dhinaca amniga oo ay ka mid yihiin, Mareykanka, Turkiga Midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaasoo diyaar u ah inay Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Alshabab” ayuu yiri Larry Andre.

Danjiraha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay Soomaaliya leedahay ciidamo awood u leh inay ka difaacaan Alshabaab, kuwaasoo xusay inay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

 

- Advertisement -