Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Kenya oo Suuq cusub u raadineysa Qaadkii la keeni jiray Somalia

Dowlada Kenya ayaa raadineysa suuqyo cusub oo loo dhoofiyo Qaadka iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed uu dib u dhac ku keenay soo kabashada suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Kenya Johnson Weru oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi Jimcihii ayaa sheegay in wasaaradu ay bilaabi doonto iney Qaadka suuq uga hesho wadamada ay ka mid yihiin Jabuuti, Congo DR iyo Mozambique.

Waxaa sheegay in wasaaraddu ay warbixinno ka bixin doonto suuqyada cusub dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo aadan.

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wadahadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno,” ayuu yiri Mr Weru.

Kenya ayaa weysay sanad ka hor suuqii ugu weynaa Qaadka ee Somalia ka dib markii DF ay joojisay sababo la xiriira khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Kenya iyo dacwada badda ee taalla Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada, iyadoo xaaladu ay sii xumaatay markii dhowaan DF ay xiriirka u jartay Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hindise sharciyeedka qaab-dhismeedka shirkaddaha amni ee Hirshabelle oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Israel oo duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Xisbullah

Caydiid Ali

Guddoomiyihii gobolka Togdheer oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---