Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Magacaaban oo Booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Aqalka Sare (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, oo guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo isbarasho.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Xamse Bare , waxa uuna ilaah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday.

Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe si ay isku bartaan sidoo kale kagala shaqeeyo meel marinta Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xildhibaan Xamse Cabdi Barre u magacaabay in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in R/wasaaraha magacaaban marka uu xilka la wareego soo dhiso xukuumad cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad carbeed oo soo riday qaar ka mid ah dayuuradihii Iran ku weerartay Israel

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo shir aan caadi aheyn uga qeyb galaya Sacuudiga

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---