Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray magaaladii uu ku dhashay oo Go’doon ku jirta (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa safarka waxaa ku wehliyay xubno ka socda hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, waxa ayna u kuur galayeen xaalada abaaraha iyo mida bini’aadanimo ee ka jirta magaaladaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Ergayga iyo xubnaha la socday ayaa kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada Buulo-burte, waxa ayna halkaasi kusoo arkeen xaaladaha adag ee ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee xeryahaasi ku sugan.

Barakacayaasha ku jira xerooyinka uu booqday ergayga ayaa u badan carruur, haween iyo dad da’ ah, waxa uuna Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caalimiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata ugu baaqay in gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.

Magaalada Buulo-burte ayaa muddo dhoor sanno ah waxaa go’doomiyay dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana dadka ku dhaqan magaaladaasi iyo deegaanada ku xeeran isugu darsaday go’doomin iyo xaalad ka dhalatay abaaraha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -