Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yaa ku guuleysan doona xilka Raisul Wasaaraha Damu-jadiid iyo Xisbiga Daljir?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaaciyo qofka uu u xushay raisul wasaaraha cusub, si loo soo dhiso xukuumad la wareegta talada dalka.

Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma xaqiijin qofka uu noqonayo raisul wasaaraha cusub, waxaana baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto lagu faafiyay magacyada shakhsiyaad kala duwan oo la hadal hayo iney xilkaas ku soo bixio karaan.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in ragga ku loolamaya xilka RW ay ugu cad cad yihiin labo shaqsi oo ka kala tirsan kooxda Damu jadiid oo Madaxweynuhu ka tirsan yahay iyo Xisbiga Daljir ee uu hogaamiyo Axmed Macalin Fiqi.

Kooxda xisbiga Daljir ayaa doonaya in raisul Wasaaraha dalka la siiyo Xuseen Cabdi Xalane oo mar soo noqdaay Wasiirka Maaliyada Somalia, kana soo jeeda Jubbaland, halka Damu Jadiid ay wataan siyaasiga Mohamed Keynaan oo ka soo jeeda degaanada Puntland.

Loolanka u dhexeeya labada kooxood ayaa laga dareemayaa Villa Somalia iyadoo koox walba ay dedaal ugu jirto iney madaxweyne Xassan Shiikh ku qanciso inuu magacaabo musharaxa ay wadato.

Waxaa kale oo jira shaqsiyaad kale oo Madaxweyne Xassan uu ka fekerayo inuu u magacaabo RW kuwaasoo uu ka mid yahay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ay heyb wadaag yihiin madaxweynihii xilka ka degay Farmaajo.

Sida caadiga ah, ra’sul wasaaraha cusub ayaa lagu soo magacaabaa muddo 30 maalmood gudahood ah, oo ka billaabanaysa marka la doorto Madaxweynaha.

Xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu magacaabay saddex raysul wasaare oo labo uu baarlamaanku u qaaday codka kalsooni-darrada, halka kan saddexaad, waa Cumar Cabdirashiid, ay isla dhamaysteen

Related posts

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Xasan Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Daawo: Cabsi dagaal oo ka taagan Muqdisho & Cumar Filish oo furka tuurtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---