Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Safarkii ugu horeeyay uga baxaya Muqdisho

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safarkii ugu horeeyay uga baxaya magaalada Muqdisho tan iyo markii dib loo doortay 5-kii bishan May.

Xasan Sheekh ayaa kusii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana shalay magaaladaasi gaaray wefdi horudhac u ah safarka uu ku tagayo magaaladaasi.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay si weyn uga socota magaalada Baydhabo, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo uu ku wajahan yahay Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Baydhabo xariga uga jari doona qeyb cusub oo lagu kordhiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha la kulmi doonaa madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo bulshada madaxdeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -