(Daawo Sawirro) K/Galbeed oo dhisatay xarun Madaxtooyo oo qurux badan

Maamulka Koonfur galbeed ayaa magaalada Baydhabo ka hirgeliyey dhisme cusub oo noqon doona xarunta Madaxooyada Maamulkaas.

Dhismahan oo ah mid casri ah oo si qurux badan loo dhisay ayaa loo dhameystiray dhamaanba qalabkii loogu talo galay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan K/galbeed.

Maamulka Madaxweyne Laftagareen oo kaashanaya DF ayaa la sheegay inuu dhaqaale fara badan ku bixiyey dhismaha xaruntan oo ka mid ah kuwa ugu bilicdasan magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo oo beri ku sii jeeda magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro xatunta cusub ee loo dhisay madaxtooyada K/Galbeed

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

- Advertisement -