Sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya oo gaadmo lagu dilay

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan weerar gaadmo ah ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya.

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/qani Axmed Faarax, ayaa la toogtay xili uu kusii jeeday gurigiisa, waxaana sargaalkan markii la dilay kadib horey looga sii qaatay qoray uu watay.

Ciidanka Nabad sugida iyo booliiska degmada Balad Xaawo ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan dableydii dilka u geesatay sargaalkan katiranaa Nabad sugida, waxaana ciidamada baareen guryo kuyaala Balad Xaawo.

Al Shabaab ayaa kordhisay dilalka qorsheesan ay ka geesaneyso degmada Balad Xaawo  waxii ka dambeeyay amarkii Maamulka degmada Balad Xaawo kusoo rogeen in degmada looga saaro xaasaska iyo caruurta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -