Wasiir Maxamuud Cabdi Xasan oo kahor yimid amarkii Ra’isul Wasaare Rooble (Cadeyn)

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawwaan qoraal uu soo saaray ku amray in la laalo shaqaalo cusub uu qoray Wasiirka arrimaha dibadda ee shaqada laga joojiyay lana soo celiyo shaqaale hore uu wasiirka u eryay.

Amarka Rooble  waxaa u hoggaansamay xoghaya joogtada ee Wasaaradda arr dibadda Maxamed Cali Nuur oo qoraal uu soo saaray ku faray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradaas iney deg deg u dhaqan geliso amarkii uu soo saaray  RW Rooble .

Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maxamuud Cabdi Xasan ayaa looga hor yimid amarkii kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble iyo qoraalkii kale uu soo saaray xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ayaa warqadii kasoo baxday xoghayaha joogtada ku tilmaamay waxbo kam ajiraan ah oo aysan la ogeyn, waxa uuna faray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda in shaqadooda sii wataan shaqaalihii cusbaa ee la qoray.

Qoraalkan uu soo saaray wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ayaa u muuqda mid lagu burinayo laguna diidayo amarkii uu horey usoo saaray Ra’isul Wasaare Rooble, waxa uuna wasiirka raali ka noqday musuqmaasuqii lagu eedeeyay wasiirkii shaqada laga joojiyay.

Lama oga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble tallaabada cusub uu qaadi doono si ay u hirgasho wareegtadii uu soo saaray uu ku laalay shaqaalihii musuqmaasuqa lagu qoray laguna soo celinayay kuwaa sharci darada lagu eryay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -