Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Danjire Cali Cagabaruur (Sawirro)

Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Ugandha Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Danjiraha oo safar shaqo ku soo gaaray Muqdisho ayaa guddoonsiiyay Shiikh aaadan Madoobe dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dhigiisa dalka afhayeenka Baarlamaanka Uganda Marwo Anita Annet Among.

Danjire Cali Cagabaruur ayaa Gudoomiyaha marka hore ugu hambalyeeyay guusha uu kasoo hooyay doorashadii dhawaan dalkeena ka dhacday, una rajeeyay in Illaah xilka ku asturo.

Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Ugandha Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa sidoo kale gudoomiyaha warbixin ka siiyey xaalada Soomaalida ku nool dalka Ugandha iyo adeegyada ay safaaradiisu bixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doon boqolaal neef oo xoolo ah ka qaaday deked Soomaaliya ku taalla oo quustay

Caydiid Ali

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Culeys soo wajahay Farmaajo & dagaal cusub oo ka dhex qarxay Fahad iyo Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---