Allbanaadir.com
NEWS

Golaha loo dhan yahay ee QM oo cod u qaaday go’aankii Trump uu ka qaatay Magaalada Qudus

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar ka hor imanaya go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday magaalada Qudus.

Qaraarka loo codeeyay ayaa dhigaya in la buriyo go’aan kasta oo wax ka beddelaya xaaladda haatan ay ku sugan tahay Magaalada Qudus.

Illaa 128 dal ayaa u ogolaatay qaraarka, sagaal waddan ayaa diiday, halka 35 dal ay ka aamustay ka dib kulan deg deg ah oo Goluhu ku yeeshay magaalada New York gelinkii dambe Maanta.

Inkastoo Qaraadada golaha QM aysan qasan aheyn fulintooda haddana arintan ayaa waxay go’doomin siyaasadeed ku noqoneysaa Maraykanka maadaama dowladaha caalamka intooda badan ay ka soo horjeesteen go’aanka Qudus uu ka qaatay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa horey ugu goodiyay inuu deeqaha ka jaran doono dalalka taageera qaraarka Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedo inuu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doollar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Go’aankii Doorashada looga wareejiyay Garbahaarey

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor arimo Xasaasi ah kala hadlay Saraakiil katirsan AMISOM (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad goboleed QM u gudbiyey dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---