Dil naxdin leh oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Booliska oo War ka soo saaray

Booliska Gaalkacyo ayaa faahfaahin ka bixiyay dil naxdin leh oo maanta halkaas ka dhacday ka dib nin toorey adeegsaday uu carruurtiisa dilal u gaystay.

Falkan oo ay saraakiisha booliska ku tilmaameen mid naadir ah ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay, inkastoo la isla dhex marayo inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay ninka carruurta dhalay iyo xaaskiisa oo kala maqnaa mudooyinkan.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Carruurta la dilay ay ahaayeen labo wiil oo ay da’doodu ka yarayd 12 sano jir.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in la xiray ninka falkaas geystay.

“Aabe Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye,” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sheegay in carruurta oo markii hore la joogay hooyadood uu ka codsaday inuu geeyo xarun waxbarasho, Waxaase la rumaysan yahay in isla maalintii uu kaxeeyay gudaheedaba uu labada wiil ku dilay guri uu ka degan yahay Gaalkacyo

“Ninkan kuma ogayn wax xanuun ah balse guriga uu falka ka dhacay waxaan ka helnay maandooriyeyaal” ayuu yiri Taliye Muumin oo intaas ku daray iney weli socdaan baaritaanada

- Advertisement -