Qarax khasaare nafeed geystay oo caawa ka dhacay Magaalada Baladweyne

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhawacamay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa lala beegsaday  goob lagu qaxweeyo oo ku taalla Xaafada buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne.

Dadka dhaawacmay ayaa iskugu jiray shacab iyo askar ku fiidsanayey maqaahida lagu qaxweeyo sida dad goob joogayaal ay u sheegeen Allbanaadir Online.

Ragga fuliyey qaraxaas ayaa baxsaday, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada amaanka oo goobtaas gaaray ayaa sameeyey howgalo baaritaan ah inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.

 

- Advertisement -