Madaxweyne Xassan Shiikh oo warbixin laga siiyey howlaha Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiyaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu dhawaan ku soo baxay ee ka dhacday dalka.

Cumar Filish ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey adeegyada maamulka gobolka uu ka wado magaalada iyo mashaariicda kale ee ka socda caasimada.

Waxaa kulanka ku wehliyay waxgarad uu ka mid ahaa Ugaaska beesha Mudulood. Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -