Muuse Biixi oo hal arrin uga digay Madaxweynaha cusub ee dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuse Biixi ayaa ka codsaday Madaxweyne Xassan Shiikh in uusan soo faragelin arrimaha Somaliland.

“Madaxweynaha shaley doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay aad iyo aad baan usoo dhaweyneynaa..inaguna in aan kala nabadgalno oo aan isu duceyno baan idiin ka dooneynaa kii hore iyo kan dambaba” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay qaran astaantiisu tahay nabadda iyo wax wada-qabsiga, deris-wanaagguna tiir-dhexaad u yahay “

“Waxa inoo Mabd’a ah oo siyaasaddeenna lagu unkay oo lagu bilaabay inaynu Bani’aadamka Ilaahay meel kasta oo ay joogaanba aynu nabadgelino oo aynu wax la qabsanno, inagoo ka bilaabayna jaararkeena, Geeska iyo caalamka oo dhan.”ayuu intaas ku daray Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -