Musharaxiinta oo Digniin adag u Diray Farmaajo kuna war galiyay Beesha Caalamka in ay…

War saxaafadeed kasoo baxay golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya u taagan ayaa looga soo horjeestay gudoonka ay doorteen Guddiga doorashada ee sharciyadooda lagu muran sanyahay.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in la iska indha tirayo baaqoodii ahaa in doorashada dalka noqoto mid la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan ,waxa ayna Musharaxiinta sheegeen in muuqato in Farmaajo ku adkeesanayo sdidii doorashada u boobi lahaa  .

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku wargaliyay beesha Caalamka in ay qaadayaan talaabo kasta oo dalka looga bad baadinayo in ay ka dhacdo doorasho boob ah ama ku dhaco firaaq dastuuri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -