Madaxda maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle oo arrimo xasaasi ah ka shiray

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle Axmed Maxamed Islaam iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo kuwada sugan magaalada Muqdiusho ayaa yeeshay shir ay uga arrinsanayeen arrimo xasaasi ah.

Sida aan wararka ku helnay kulanka labada madaxweyne ee Jubbalabd iyo Hirshabelle oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayey diirada ku saareen doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta ka dhaceysa teendhada Afisiyooni.

Labada Madaxweyne oo u kala ololeenaya musharaxiin kala duwan ayaa ka sheekeestay doorashada Madaxweynaha iyo doorka ay ku yeelan karaan, waxa ayna labada Madaxweyne iska garteen in si hoose iskula socdaan inta doorashadsa socota.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dhammaan ku sugan magaalada Muqdisho, waxa ayna madaxdan marka laga reebo Siciid Deni oo isagu musharax ah inta kale kala taageerayaan musharaxiin iska soo horjeeda.

Madaxweyne walbo waxa uu dhisayaa musharax uu isleeyahay waa kugu beel ama kugu dan si uu isugu ilaaliyo mustaqbalka, waxaana Madaxda maamulada qaar sida Laftagareen ka shaqeenayaan sidii Farmaajo mar kale usoo laaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -