Wararkii Ugu Dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha iyo Musharaxiin tanaasulaysa

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo isku diiwaangaliyeen in ay ku tartamaan ilaa 39-musharax.

Doorashada Madaxweynaha ayaa ah mid adag oon wali la saadaalin karin musharaxa kusoo bixi doona, waxaana musharaxiinta ugu saameynta badan xalay ilaa saakay wadaan olole ay ku kasbanayaan kalsoonida Xildhibaanada.

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaana la filayaa kahor inta aysan doorashada bilaaban in tartanka isaga haraan , kuwaa oo u badan kuwa aan olole badan sameyn aaminsana in aysan codad heleyn.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada ku shaaciyay in ay doorashada ka hareen ilaa afar musharax Madaxweyne ,kuwaa oo qaarkood la sheegay in ay u tanaasuleen musharaxiin kale oo ay taageerayaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ka hirgalay bandowgii lagu soo rogay, waxaana dadka iyo gaadiidkaba loo diidayaa in ay isticmaalaan waddooyinka qaar ee Muqdisho.

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada, waxaana la filayaa in daqiiqaha soo socda in xildhibaanada tagaan teendhada Afisiyooni si doorashada waqti hore u bilaabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -