Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano tiro yar oo dhageysanaya Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha (Sawirro)

Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socota hadal jeedinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka u bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka oo la filayay in ay si weyn u dhageestaan hadal jeedinta Musharaxiinta soo bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed ayeysan dhicin, waxaana fadhiga ka maqan inta badan Xildhibaanada.

Teendhada Afisiyooni waxaa ku sugan tiro Xildhibaano ah oon ka badneed 50-tameeyo u badan kuwa taageersan musharaxiin qaar, waxaana teendhada sidoo kale ku sugan guddoonka labada aqal.

Waxaa muuqaneysa in Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka aysan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha aysan ku xulaneyn waxqabad iyo soo bandhigida barnaamij siyaasadeed balse lagu xulanayo dhaqaale iyo dano kale.

Musharaxiin badan ayaa ka niyad jabay hadal jeediinta iyo bandhigida barnaamij siyaasadeedkooda oo aysan fadhin xildhibaanadii ay codka ka dalban lahaayeen, waxaana jira musharaxiinta qaar in ay ka baaqdeen hadal jeedinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog cusub oo laga helay Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase) oo dil ku xukuman

Caydiid Ali

Dowlada Qatar oo si adag uga hadashay Heshiiska Wadamo Carbeed la galeen Isra’iil

Cabdi Cade

Maraykanka oo dib u eegaya talaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---