Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Somalia

Waxaa socda diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya, taas oo la filayo inay qabsoonto maalinta Axadda ee 15-ka May. In ka badan 30 musharax ayaa illaa haatan la guddoonsiiyey shahaadooyinka u ogolaanaya inay u tartamaan kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Guddida Doorashada ee labada gole ee loo xilsaaray doorashada madaxtinimada ayaa xalay sheegay in 4:00 galabnimo ee maalinta Salaasada ee bisha May ay tahay 10-ka inay tahay xilliga ugu dambeeya ee musharaxiintu ay fursadda u haystaan inay qaataan shahaadooyinka musharaxnimada kursiga madaxweynaha.

Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha ayaa maanta gaaray 40 intooda badana wax eajo ah kama qabaan in loo doorto Madaxweyne, waxaana wadarta guud ee lacagta ka soo xerootay ay gaartay milyan iyo lix boqol oo kun oo Dollar

Guddida doorashada ayaa sidoo kale musharaxiinta is-diiwaangeliyey iyo kuwa raba inay is-diiwaangeliyaan u sheegay inay maalinta Salaasada ee 10-ka May ku soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mida barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul electronic ah.

https://m.youtube.com/watch?v=bC8cl5jkCFg

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Hirshabelle

Cabdi Cade

Urur goboleedka IGAD oo War ka soo saaray khilaafka Siyaasadeed ee Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Madaxweyne Deni uu iibsaday Hoteelka Sarova Stanley ee Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---