Allbanaadir.com
NEWS

Xabsiga Ogaden oo Masaajid loo bedelayo iyo Maxaabiistii ugu dambeysay oo laga sii daayey

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa ballan qaaday in la sii dayn doono maxaabiista ku xirin Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer Jeel Ogaadeen

Wuxuu sheegay in Xabsigaas la xirayo, masaajidna loo badali doono si ay dadka ugu cibaadeestaan.

Waxaa shalay xabsigaas oo si xun loogu ciqaabo dadka laga sii daayey 150 maxbuus oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale oo intooda badan ku eedeysnaa iney ka tirsan yihiin jabhada ONLF.

Jabhadan ayaa waxaa dhowaan dowlada Itoobiya ay ka saartay liiska argagaxisada.

Dhowaan ayey aheyd markii heyadda human rights watch ee dooda xuquuqda aadanaha ay baahisay tacadiyo naxariis daro ah oo loo geysto dadka ku xiran xabsigaas, waxaana aad uga xumaaday warbixintaas raisul wasaare abiy Ahmed  oo balan-qaaday in la xirayo xabsigaas dadka lagu cadaabi jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

Caydiid Ali

Hirshabelle oo ka hor timid qoraal ka soo baxay Gudomiyihii hore ee G/Giiraan

Caydiid Ali

Wado Shacabka maristeeda Dhib ku qabeen oo la dhisay Xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---