Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah safiirka dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

- Advertisement -