Dowladda oo amartay in la joojiyo Dood loo qaban lahaa Musharaxiinta Madaxweynaha

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray in la joojiyo dood musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha u qaban laheyd Hey’adda Somali Debates.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in hay’adda dooda qabaneysa tilmaantay aysan heysan  ruqsad iyo sharciyad ah oo ay ku qabato dooda Warbaahineed, waxa ayna wasaaradda amartay in aan doodaasi la qaban karin.

“ Wasaaradda Wartaafinta, Dhaqanka lyo Dalxiisku waxay uga digaysaa Semall Debates iyo  kuwa lamidka ah inay ka waantoobaan falalka noocaas oo kale ah sidoo kale saaxiibada Caalamka oo ay ugu horeeyaan ATMIS iyo UNSOM inaanav kala shaqeyn  howlaha Warbaahinta cid aan  fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku wargelisay Hay’adaha amniga iyo Booliska Gobolka Banaadir in ay ka gutaan waajibkooda shago lagana joojiyo Barnaamijyadaas ay wadaan ilaaa inta ay kahelayaan sharci ay wax ku tebin karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -