Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Meydadka askartii ay ku dishay weerarkii Ceel-Baraf (Sawirro)

Kooxda Al Shabaab ayaa baahisay muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday weerar culus oo shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf ee hoostaga degmada Mahadaay ee goolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan ayaa Al Shabaab ugu suurto gashay in ay ku qabsadaan saldhiga ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf, waxa ayna halkaasi ku dileen askar ay ku sheegeen in ay ka badan yihiin 173 askari.

Warbaahinta Al Shabaab ayaana lagu baahiyay sawirro laga soo qaaday meydadka askartii laga dilay ciidamada ATMIS iyo sidoo kale gaadiidka ciidamada iyo xerada oo waxyeelo xoogan gaarsiiyeen.

Al Shabaab ayaana markii xerada ka qaateen hub iyo agabyo kale oo ciidan u fasaxay shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-Baraf in ay qaataan raashinka iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada ATMIS ee laga qabsaday xerada.

Ciidamada ATMIS ayaa dib ula wareegay saldhigii ay ku lahaayeen Ceel-Baraf kaddib markii ay ka baxeen Shabaabkii qabsaday, walina ma shaacin Taliska ATMIS khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo lagu soo oogay dembi ka culus kuwii horey loogu heystay

Caydiid Ali

Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo la iclaamiyay iyo xiliga uu bilaabanayo oo …

Cabdi Cade

Maxaa xalay ka dhacay degaanka Kaamjaroon ee J/hoose?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---