Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Waqtiga la qabanayo doorashada Kursigii ay ka geeriyootay Xil. Aamina Maxamed oo la shaaciyay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shaaciyay magacyada odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kursiga tirsigiisau yahay HOP#135 .

Kursigan ayaa horey waxaa ugu fadhisay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Baledweyne, Aamina ayaa sidoo kale mar kale u sharaxneed kursigan balse waxaa kasoo hormartay geerideeda.

Guddiga doorashada ayaana sheegay in doorashada kursigan Jowhar lagu qabanayo beri oo khamiis , waxaana maanta la diiwaangelinayaa musharaxiinta u tartameysa kursigan oo la filayo in doorashadiisa noqoto mid xiran.

Gabar la dhalatay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa horey isugu soo sharaxday kursigan, waxaana horey warar usoo baxay sheegayeen in suurto gal tahay in kursigan loo xiro qof kamid ah ehelada Xildhibaanada si uu ugu soo baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon Sabtidii lagu dilay Muqdisho oon wali la aasin iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Fariin adag u dirtay Dowlada Turkiga

Cabdi Cade