Yaa fuliyay Duqeyntii Diyaaradeed ee lagu dilay C/xakiim Dhuqub (War Saxaafadeed)

Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn ku dileen ku-xigeenkii guddoomiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Buurlayda Gobolka Bari ee Puntland.

Maraykanku wuxuu sheegay in duqayntu ka dhacday tuulada xiriiro ee gobolka bari 14kii April. kaasi oo lagu dilay C/xakiim Dhuqub oo ururka Daacish u qaabilsan howlgalada, qorshaynta weerarada, dhaqaalaha iyo loojistikada

War-saxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Maraykanku oo kaashanaya dowladda Federaalka ay sii wadayaan dadaalada xididada loogu siibayo waxa ay ugu yeereen kooxaha mayalka adag.

“” Waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno saaxibadayada Soomaalida si loo sii xoojiyo cadaadiska lagu hayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish” Sidaas waxaa yiri Maj General Gregg Olson oo ah Madaxa howlgalada ee taliska milateriga Africom.

” Ma jirto dad shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqayntaas” ayaa lagu yiri war-saxafadeedka

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Dilka Sarkaalka Daacish/ISIS ayaa sheegtay in Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -