Labo Musharax oo tanaasulay & codeynta Wareegii ugu dambeeyey oo bilaabatay

Labo ka mid ah musharaxiinta ee u soo gudbay Wareega labaad ee doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa shaaciyey iney ka tanaasuleen tartanka.

Xildhibaan C/llaahi Axmed Aadan Black oo helay 33 cod iyo Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo 23 cod keenay ayaa sheegay iney ka baxeen tartanka si loo fududeeyo doorashada.

Aadan Maxamed Nuur Saransoor, iyo C/llaahi Axmed Aadan Black ayaa si gaar ah xildhibaanada uga codsaday iney soo saaraan Musharaxa Aadan Madoobe taasoo aheyd arrin lama filaan ku noqotay dad badan.

Waxaa haatan wareega ugu dambeeya oo lagu kala baxayo cod hal dheeri ah iskugu soo haray labada musharax ee kala ah Xassan Cabdi Nuur oo ay wataan kooxda Nabad iyo Nolol iyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiinta Mucaaradka.

Waxaa haatan bilaabatay codeynta wareega labaad ee doorashada iyadoo saacada Muqdisho  ay tahay xili saq dhexe ah ee habeenimo.

- Advertisement -