Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Generaal Jaamac Max’ed Qaalib oo geeriyooday ka dib xanuun uu muddo la ildarnaa

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, waayihii dambe wuxuu bare ka ahaa Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ka hayey dhanka wadnaha.

Sanadkii 1933-kii ayey taariikhdu xustay in Jaamac Maxamed Qaalib uu ku dhashay degaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Sannadkii 1955-kii ayuu ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1962-kii loo magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya. Sidoo kale 1970-kii ayaa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Gen. Qaalib ayaa ahaa halyeey Qaran oo muddo 60 sano ka badan dalkiisa iyo dadkiisa si Wanaagsan oo daacad ah ugu soo shaqeeyey.

Waxa uu ahaa Aqoonyahan aan fikradihiisa la gaban, waxaana uu qeyb libaax ka qaatay dowlad dhisidda Soomalaiya wixii ka horeeyey Xoriyadda iyo intii ka danbeeyey dagaladii sokeeye.

Waxaa uu xilal kala duwan oo illaa heer wasiir ah ka soo qabtay dowladii hore ee Kacaanka, waxaana dadka yaqaana ay ku sifeeyeen inuu rug cadaa Khabiir ku ah xaaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somalia gaar ahaan arrimaha siyaasada iyo milateriga.

Tacsida Generaal Jaamac Max’ed Qaalib ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaalida.

Related posts

Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Masuuliyiin markii ugu horreysay ku safray waddo isku xirta Kismayo iyo Afmadow

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Wasiir Ciid iyo Wafdi ka socda Masar oo booqday Beero kuyaala Afgooye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---