Allbanaadir.com
NEWS

Labo Musharax oo isku soo haray doorashada Guddoomiye ku-xigeena 2-aad

Waxaa goordhaw soo dhammaatay wareegii koobaad ee doorashada guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku tartamayeen ilaa 7-musharax.

Doorashada ayaa aheyd mid adag oo musharaxiinta soo galeen olole xooggan, hasa ahaatee waxaa wareega labaad ku haray ilaa saddex musharax halka wareega labaad ay isugu soo hareen afar musharax.

Labada musharax ee kala ah Ilyaas Bedel Gaboose iyo Senator Xasan Xuseen Xaaji oo labada usoo gudbay wareega labaad ayaa go’aansaday in ay doorashada ka tanaasulaan, waxaana wareega labaad ku tartamaya labo musharax oo kaliya

Senator Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde) oo laga soo doortay Puntland iyo Senator  Cabdullaahi Sheekh Fartaag oo isna laga soo doortay Jubbaland ayaa isugu soo haray wareega labaad, waxaana guuleesanaya midkii cod dheeraada.

Musharaxiinta kale ayaa codadka u kala helay sida tan.

Ilyaas Badel Gaboose. 7-cod

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)  12-cod

Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde) 16-cod

Cabdi Cusmaan Xareed 4-cod

Sareedo Maxamed Xasan Jeyte 4-cod

Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) 4-cod

Xasan Xuseen Xaaji. 5-cod

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Musharaxiinta Mucaaradka oo sameystay ilaalo xooggan & Somaliland oo wajaheysa ciqaab

Caydiid Ali

Daalibaan oo heshay Diyaarado, Gawaarida Gaashaaman iyo hub casri ah (Akhriso Qiimahooda)

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo la dilay kadib markii uu Muqdisho kusoo laabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---