Allbanaadir.com
NEWS

Garoonka Aadan Cadde oo laga hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose (Daawo Sawirro)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka hirgeliyay xarun laga bixiyo Adeegyada Muhiimka ah uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir.

Xaruntan laga hirgaliyay garoonka Aadan Cadde waxaana si wadajir ah xariga uga jaray wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya iyo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xaruntan uu ka furay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa bixin doona adeegyada  ,Shatiyada Ganacsiga, Diiwaangalinta shirkadaha iyo NGO-yada, Faya dhowrka garoonka diyaaradaha, iyo Buugga Caafimaadka.

Maamulka Gobolka Banaadir uu Gudoomiyaha ka yahay Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa inta uu xilka hayay sameeyay isbadalo iyo Horumaro badan, waxaana magaalada lagu baahiyay adeegyada muhiimka ah ee bulshadu ka rabto maamulka gobolka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Somalia ku yeesheen Muqdisho? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas & Israel oo is dhaafsaday Maxaabiis Maalintii u dambeysay xabad joojinta

Caydiid Ali

Wararkii ugu Dambeeyay Isku Shaandheyn laga yaabo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada  

Cabdi Cade
Taboola Ads ---