Allbanaadir.com
NEWS

Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu sameenayo wado muhiim ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab iyo Shangaani.

Wadadan muhiimka ah ee dib u dhiska lagu sameenayo ayaa isku xirta Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed ee kutaala Shangaani, waxaana wadadan ka muuqday bur bur iyo dayactir la’aan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay dhismaha waddooyinka burbursan ee kuyaala caasimada Muqdisho.

Wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa dib u dhis lagu sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, waxaana wali jira wadooyin aan dib u dhis lagu sameyn iyo kuwa la dhisay oo hadana mar kale bur buray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse oo warbixin ka dhegeystay Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedyada (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo la kulmay Mukhtaar Roobow (Sawirro)

Caydiid Ali

Eey ka mid noqday Musharaxiin ku tartamaya doorashada duqa Magaalada Toronto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---