Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Jen. Gorod oo arrin xasaasi ah ku wargeliyey Saraakiisha da’yar ee ciidanka xoogga dalka

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed Jen. C/wali Xuseen Jaamac (Gorod) iyo Abaandullaha ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa kulan dhiiragalin iyo bogaadin ah u sameeyay saraakiisha dhalinyarada ah ee ka tirsan xoogga dalka.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay sidii saraakiisha dhalinyarada ah ay u hogaamin karaan howlgalada dalka looga xoreynayo ururka Al-shabaab.

Abaandullaha ciidanka xoogga dalka General Cabdullaahi Cali (Caanood) ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha dhalinyarada looga baahan yahay inay si daacad ah ku hogaamiyaan howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/wali Xuseen Jaamac (Gorod) ayaa saraakiisha dhalinyarada ah faray inay u diyaar garoobaan Howlada ka dhanka ah Al-shabaab oo uusan sheegin xiliga ay bilaabanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalka xabad joojinta Gaza oo mar kale furmaya & Xamaas oo qorshe cusub keentay

Caydiid Ali

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Israel oo ka carootay falal ay ku dhaqaaqday dowlada Iran, kuna hanjabtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---