Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo warqad hanjabaad ah Imaaraadka ugu dhiibay Ayatulahi Khamenei

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, dowladda Iran ku cadaadinaya joojinta barnaamijkeeda nukliyeerka, waxa uuna Trump madaxda sare ee Iran hor dhigay doorashooyin la xariira joojinta barnaamijka nukliyeerka iyo in ay wajahayaan xaalad kale oo hubanti la’aan ah.

Trmp ayaa u sheegay hoggaamiyaha sare ee Kacaanka Iran , Ali Khamenei inuu heysto muddo labo bilood ah si uu u go’aansado inuu qaadanayo heshiis la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran , haddii ay dhacdo inuu iska diiddo heshiiska loo soo bandhigay.

Waxa uu ku goodiyay Madaxweyne Trump haddii Khamenei iska diido heshiiska in Mareykanka qaadanayo ikhtiyaarka kale oo ah inuu duullaan ku qaado Iran , taa uu sheegay in ay noqon karta ciqaabta ka dhalata amar diidada ay Iran sameyso.

Warqada Trump u diray hoggaamiyaha sare ee Kacaanka Iran, ayaa waxaa maalmo ka hor ergayga Trump Steve Witkoff u gudbiyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed (MBZ) kulan ka dhacay Abu Dhabi. Maalin ka dib, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash wuxuu u safray Tehraan wuxuuna warqadda u dhiibay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran,Abbas Araghchi.

Xogta warqada iyo waxa ku qoran ayaa kahor inta aan loo geyn hoggaanka sare ee Kacaanka Iran , waxaa lala socodsiiyay xulufada Mareyaklnka ee gobolka ay kamid yihiin Israa’iil, Sacuudiga iyo dowladda Imaaraadka oo warqada la marsiiyay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay Saraakiil Ciidan (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Rooble oo la kulmay Safiirka Soomaaliya u jooga dowladda Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Akhriso: War Murtiyeed ka soo baxay shirkii amniga Somalia ee ka socday New York

Caydiid Ali
Taboola Ads ---