Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sacuudiga oo si weyn uga carooday kitaabka Quraanka ee lagu gubay dalka Sweden

Koox uu horkacayo cunsuri lagu magacaabo Rasmus Paludan oo heesta dhalashada dalalka Sweden iyo Denmark ayaa wada isku dayo ay ku gubayaan nuqulo kamid ah kitaabka Qur’aanka kariimka si ay u muujiyaan naceybta ay u qabaan muslimiinta.

Dalka Sweden qeybo kamid ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday rabshado xooggan oo looga soo horjeeday kooxdan cunsuriyiinta ah, waxaana dareenkooda si weyn u muujinayay muslimiinta kunool Sweden.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareesay ficilada cunsuriyiinta ka wadaan dalka Sweden gaar ahaan in ay gubaan kitaabka Qur’aanka, Sacuudiga ayaana ku baaqay joojinta naceybka iyo xagjirnimada islaamka ka dhanka ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay gudbineysaa cambaareynta Sacuudi Carabiya ee ku aaddan tacaddiga iyo daandaansiga Muslimiinta, Sacuudi Carabiya wuxuu xoojinayaa muhiimadda dadaallada lagu dardar gelinayo wada xaajoodka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha, iyo sidoo kale baabi’inta nacaybka, xagjirnimada iyo tacaddiyada dhammaan diimaha iyo goobaha barakeysan”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Sacuudiga.

Ficilada ay kitaabka qur’aanka ku gubayaan cunsuriyiinta uu hoggaaminayo Rasmus Paludan, ayaa carro badan ka abuuray guddaha dalka Sweden iyo waddamada Islaamka, waxaana loogu baaqay dowladda Sweden in ay wax ka qabato cunsuriyiinta xagjirka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Kenya oo si adag uga Jawaabtay Eedeyn uga timid Dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Somaliland oo soo saartay amaro iyo digniino culus

Caydiid Ali

Xoghayihii difaaca Mareykanka oo iscasilay & Xog ku aadan sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---