Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo go’aan cusub ka qaatay Wasiir uu dhowaan shaqada ka joojiyey

Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo saarey warqad ay ku caddahay in uu dib shaqadiisa usii wadan karo wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  Jubbaland.

Markey taarikhdu aheyd 22 -08-2020 ayuu Madaxweynuhu shaqada ka joojiyay wasiirka wasaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa kadib markii lagu  soo eedeeyay wax Is daba marin iyo lunsasho xoolo dad wayne.

Kadib baatitaan la sameeyay ayuu xafiiska Madaxweynuhu  ogaaday in aysan wax ka jirin eedeeymahaasi isagoo dib shaqadii ugu fasaxey wasiirka.

Wasiirka ayaa loo ogolaaday in uu gudan karo waajibaadkiisii shaqo ee wasaaradda uu hogaamiyo  dibna usii wadan karo  shaqadiisi una sii adeego bulshadiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JvVPOMbvSIk

Related posts

Somaliland oo shaacisay in Ciqaab xun Muqdisho lagu marsiinayo Shan nin oo ku eedeysan dilkii…

Cabdi Cade

Wasiirka arrimaha gudaha oo Damaca Itoobiya kala hadlay Odayaal kasoo jeeda gobolka Awdal (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ka dhacay magaalada Mombasa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---