Ukraine oo gantaal ku burbursisay Markab dagaal oo Ruushku lahaa (Sawirro)

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Kyiv aroornimadii saaka, waxaana cirka isku shareeray uuro ka dib markii markabka dagaalka ee Moscow oo marayay badda madow uu quusay kadib markii uu dab qabsaday.

Qaraxyadan ayaa u muuqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimadda Ukraine tan iyo markii ciidamada Ruushka ay dib uga gurteen aagga horaantii bishan oo ay isku diyaarinayeen dagaallo ka dhaca koonfurta iyo bariga.

Ukrain ayaa sheegatay mas’uuliyadda markabka Moskva ee dagay ayna ku dhufteen gantaal xili uu ku sugnaa badda Madow markabka ayaa degay galinkii dambe ee Khamiista

In ka badan 500 oo shaqaale ah oo la socday markabka gantaalaha ayaa laga daadgureeyay ka dib markii rasaastii saarnayd ay ku qaraxday,

Qasaaraha markabkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada badda ee Ruushka ay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka Ukraine ee ku yaal badda madow ku dhawaad ​​50 maalmood kadib markii ay duulaanka qaadeen. Dadka deggan Odesa iyo Mariupol.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa si ula kac ah u sheegtay markabka dagaal ee quusay khudbad uu uga digay ujeeddooyinka Ruushka ee ku wajahan bariga Donbas, oo uu ku jiro Mariupol.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadan laga soo sheegay Kyiv, Warbaahinta Ukraine ayaa sheegtay in koronto la’aan ay ka jirto qeybo ka mid ah Kyiv.

- Advertisement -