Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maanta imaanaya Muqdisho kana qeyb galaya dhaarinta

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ee lagu doortay magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ayaa maanta la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayna qaataan shahaadada Xildhibaanimo si ay qeyb uga noqdaan dhaarinta Xildhibaanada.

Khilaafkii sababay in Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaataan shahaadada Xildhibaanimo ayaa xalay xal laga gaaray, waxaana saakay lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga mid noqdaan xildhibaanada maanta la dhaarinayo.

Xildhibaan Cabdalla Xuseyn Cali oo afhayeen u ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay xalka laga gaaray khilaafkii taagnaa, waxa uuna cadeeyay in maanta Muqdisho imaanayaan si ay shahaadada u qaataan kana qeyb galaan munaasabada dhaarinta.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa fasaxay labo kamid ah kuraastii ay horey u hakiyeen ee lagu doortay magaalada Baydhabo, waxaana guddiga doorashada cadeeyeen in dib loogu noqonayo doorashada kursiga Hop154 ay kusoo baxday xildhibaan Sareedo.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed laga soo doortay oo ka badan 70-Xildhibaan ayaa caqabad ku ahaa dhaarinta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in Xildhibaanadaasi qaataan shahaadada si ay dhaarinta maanta lagu wado in ay dhacdo qeyb uga noqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -