Axmed Madoobe oo diiday qorshe Beesha caalamka soo jeedisay oo la xiriira kuraasta Garbahaarey

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Jubaland ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo iyaguna dhawaan la soo dooran doono isla markana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka ree Jubbaland ee gobolkaas ku nool.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ayna macquul ahayn doonista qaar kamid ah beesha caalamka ee raba in Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ay kala qeybsadaan Xildhibaannada kasoo baxaya Gobolka isla markaana dadka matalaadda iska leh ee deegaankaas ka soo jeeda ay iyagu soo dooran doonaan dadka ku matalaya Baarlamaanka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in haddii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasadda Jubbaland ay joogaan isla markaana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arrintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubbaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo, iyadoo la kaashanayo xildhibaannada kale ee kasoo baxay qaybaha kale ee dalka.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Jubbaland ay dhibaato adag kala kulantay Maamulka Wali Sida sharci darrada ah talada ku jooga loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladdan qalafsan dalka looga saaro gaar ahaan ammaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hadda tahay meel aan la kala saari Karin Hay’adaha amniga Dowladda iyo Al-shabaab isla markana ay si weyn iskugu milmeen loona baahan yahay in Xildhibaannadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Baarlamaanku uu yahay hay’adda hooyada u ah dhammaan hay’adaha kale ee Dowladda balse ay nasiib darro tahay in Baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA isla markana ay garan waayaan waajibkii dalka ka saarnaa shantii sano ee la soo dhaafay.

Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu sheegay in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Labada Madaxweyne ku xigeen iyo Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

- Advertisement -